Amniga xarumaha asluubta oo la adkeeynaya

0
684

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in aad loo sugayo amniga xarumaha asluubta ee wadanka.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu xaqiijiyo badqabka maxaabiista iyo saraakiisha ilaalada ka ah.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda asluubta dalka Safina Kwekwe Tsungu ayaa sheegtay in lacag dhan 800 oo milyan oo shilin loo qoondeeyay in lagu dhiso gidaarrada xarumahan.
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqday in goobahan laga fulin doono mashaariic horumarineed oo dhowr ah.
Xoghayaha ayaa kenyaanka u xaqiijisay inaysan mar dambe dhici doonin mid la mid ah tallaabadii ay bishii 11-aad ee sanadkii hore saddex maxaabiis ah uga baxsadeen xabsiga wayn ee Kamiti in kastoo ugu dambeyn la soo qabtay.