Amniga ismaamulka Turkana oo la adkeeyay

0
249

Saraakiisha booliiska ee ismaamulka Turkana ayaa kordhiyey roondooyinka ay ka sameeyaan waddada wayn ee xiriirisa magaalooyinka Lokichar iyo Kainuk ee dowlad deegaankaasi.
Tani ayaa looga gol-leeyahay xakameynta weerarrada lagu bartilmaameedsado baabuurta rakaabka sida.
Xoojinta amniga ismaamulkaasi waxaa warbaahinta u xaqiijiyey taliyaha booliiska Turkana Samuel Ndanyi .
Waxaa uu taliyuhu sheegay in rakaabka ay si nabad ah ugu safri karaan inta u dhexeysa magaalooyinka Lodwar iyo Kitale.
Howlgalka amni ee ka socdo Waqooyiga gobolka Rift Valley awgiis,waxaa degmooyinka Loima iyo Koonfurta Turkana looga dhawaaqay bandow jiraya inta u dhexeysa 6-da maqribnimo ilaa 6-da aroornimo.
Galinkii dambe ee Jimcihii ayay ahayd markii gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda lagu weeraray degmada Kakong ee Koonfurta ismaamulka Turkana.