Amni darro laga cabsi qabo inay dib u sii dhigto doorashada Nigeria

0
390

Guddiga doorashooyinka dalka Nigeria ayaa sheegay in haddii amni darro wadankaasi ka jirta aan wax laga qaban ay danta keeni doonto in la joojiyo ama dib loo dhigo doorashada guud ee la asteeyay inay qabsoonto 25-ka bisha labaad ee sanadkan.
Guddoomiyaha guddigan Abdullahi Abdu Zuru, ayaa sheegay in xasilooni darrada ka taagan deegaano badan ay sababi karto in xita haddii ay doorasho dhacdo ay adkaan karto in lagu dhawaaqo natiijada.
Waxaa uu guddoomiyaha doorashooyinka sidoo kale ku taliyay in si buuxda loo qalabeeyo ciidamada ammaanka si ay u xalliyaan caqabadaha soo kordho.
Madaxweyne Muxammadu Buhari oo labo xilli soo hoggaamiyay Nigeria ayaa xafiiska banneynaya isagoo aan si wayn ula tacaalin amni darro soo jirtay 13 sano.
Dhibaatooyinka ugu badan ayaa waxaa gaysata kooxda Boko Haram oo waqooyi bari, waqooyi galbeed iyo bartamaha wadankaasi ka fulisay afduubyo iyo dilal.
Sidoo kale waxaa dhowr mar dagaallamay burcad iyo dadka xoolo dhaqato ah.
Koonfurta bari ee Nigeria ayaa waxaa sidoo kale ka taagan xiisad la xiriirta gooni u goosasho.