Amnesty: Ruushka waxaa uu Ukraine ka gaystay dembiyo dagaal

0
541

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay inay diiwaangelisay dembiyo dagaal oo kala duwan oo ay ciidamada dowladda Ruushku ka gaysteen gudaha wadanka Ukraine.
Xoghayaha guud ee hay’adda Dr. Agnès Callamard ayaa sidatan u sheegtay warbaahinta FRANCE24.
Waxay hoosta ka xariiqday in dembiyadan si joogto ah ay u dhacayeen tan iyo 24-kii bishii Labaad ee sanadkan xilligaasi oo ay xukuumadda Moscow duullaan militari ku qaadday Ukraine.
Dr. Agnes ayaa xustay inay diiwaangeliyeen dilal sharci darro ah , weerarro aan kala sooc lahayn,xeeladaha haysashada , adeegsiga hubka ee liddiga ku ah xeerarka caalamiga , burburinta kaabayaasha aasaasiga iyo burburinta kaabayaasha rayidka .
Dr. Callamard ayaa intaasi ku dartay in bartilmaameedsiga qaabeysan ee shacabka uu qayb ka yahay howlgalka uu Ruushku ku sheegay mid gaar ah.