Amnesty oo doonaysa in militariga Myanmar lagula xisaabtamo dembiyo dagaal

0
124

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in la baaro dembiyo dagaal oo ciidamada militariga ee dalka Myanmar lagu eedeynaya inay gaysteen.
Bishii hore ayay ahayd markii weerar dhanka cirka ah oo ay saraakiisha fuliyeen lagu dilay 17 ruux.
Waxaa dadkaasi oo xilligaasi ka qayb galayay munaasabad kaniiseed ka mid ahaa labo carruur ah.
Hay’adda Amnesty ayaa sheegaysa in sawirro iyo muuqaallo la duubay sidoo kalena wareysiyo lala yeeshay goob joogayaal ay muujinayaan in militariga Myanmar ay bambooyin ku tuureen meel u dhow kaniisadda St Peter Baptist ee tuulada Kanan.
Ugu yaraan 20 ruux oo kale ayaa falkaasi ku dhaawacmay.