Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee (ICC) ugu baaqday inay baarto dembiyo dagaal oo la rumeysan yahay in laga fuliyay marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Waxay hoosta ka xarriiqday in loo baahan yahay in dabagal lagu sameeyo weerarro sharci darro ah oo ay Israa’iil halkaasi ka gaysatay bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Amnesty ayaa dalbanaysa in la ogaado sababaha keenay in ciidamada militariga ee Israa’iil ay saddex weerar ku bartilmaameedsadeen dad rayid ah.




