Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in Israa’iil ay Qaza ka waddo xasuuq toos ah oo looga gol leeyahay in lagu baa’biiyo Falastiniyiinta.
Amnesty ayaa warbixinteeda sannadlaha ah ku sheegtay in ciidamada Israa’iil ay ku xadgubeen heshiisyada Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka dhanka ah dhibaatooyinka halista ah ee jireed mise maskaxeed ee loo geesto biniaadamka.
Xoghayaha guud ee Amnesty International Agnes Callamard, ayaa horudhaca warbixinta ku sheegtay in laga soo bilaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii uu aduunka marqaati ka ahaa xasuuqa ee ciidamada Israa’iil ay ka geysanayaan guud ahaan Marinka Qaza.