Amnesty International oo sheegtay in ugu yaraan 12 qof la afduubtay

0
398

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa bayaan ay soo saartay waxay si kulul ugu cambaareysay falal afduub ah oo la gaystay maalmihii ugu dambeeyay.
Hay’addan ayaa sheegtay in shanti cishe ee la soo dhaafay oo ay xalay ugu darnayd ay dhaceen ilaa 12 kiis oo afduub ah.
Tani ayay ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah xuquuqul aadanaha iyo dastuurka waddanka oo mamnuucaya xabsi geynta aan loo fiirsan iyo dadka la waayo iyadoo aynan jirin cid la ogyahay in ay gacanta ku dhigtay.
Amnesty International –Kenya ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqday inuu ka soo baxo dhaartii uu maray xilligii la dhaarinayay ee ahayd inuu xaqiijin doono ilaalinta iyo u hoggaansanka dastuurka waddanka.
Hay’adda ayaa dowladda u sheegtay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta badqabka shacabka oo ay ka mid yihiin kuwa muujinaya sida aynan ugu qanacsanayn hindise sharciyeedka maaliyadda.