Ammaanka Nairobi oo si wayn loo adkeeyay

0
343

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa si wayn u adkeeyay amniga magaala madaxda wadanka ka hor isku soo baxa dadweyne iyo mudaaharaadka ay maanta dhigayaan siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya.
Laamaha ammaanka ayaa bar- kontorollo ka sameeyay agagaarka xarunta madaxtooyada dalka ee State House.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha booliiska ay saaka kala eryeen dhallinyaro isugu soo baxay xaafadda Mathare ee magaalada Nairobi.
Taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi ,Adamson Bungei ayaa dhankiisa sheegay in isbeheysiga Azimio uunan isku imaatin ku qaban Karin meel ka baxsan fagaaraha Kamkunji Grounds ee loo fasaxay.
Raila iyo xulafadiisa ayaa muujinaya sida ay uga soo horjeedaan tallaabadii ay dowladdu ku ansixisay xeerka maaliyadda ee sanadkan 2023-ka iyo qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxaa sidoo kale qabanqaabinta kulamada dadweyne iyo dibadbaxyada qorsheysan qayb ka ah ururrada bulshada.
Maanta ayaa lala barbardhigaya xilligii loogu magacdaray Saba Saba Day ee loo halgamayay nidaamka xisbiyada badan.