Waxaa aad loo adkeeyay amniga ismaamulka Laikipia ka dib markii uu dowlad deegaankaasi ka dhacay weerar lagu dilay askari ka mid ahaa ciidamada booliska ee dalka.
Weerarka oo lagu tilmaamay mid burcadnimo ayaa lala eegtay saldhigga Mlima Jangili oo ku yaalla deegaanka hoose ee Githiga ee galbeedka Laikipia.
Afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Bruno Shioso, ayaa laga soo xigtay in askari kale laga dhaawacay lugta.
Waxaa uu Shioso xusay in weerarka ay soo qaadeen rag hubeysan oo aan heybtooda la garan balse la rumeysan yahay inay yihiin burcadda xoolaha dhacda.
Afhayeenka booliska dalka waxaa uu intaasi ku daray in saddex sarkaal oo kale ay weerarka ka badbaadeen.
Askarta ayaa ka mid ah ciidamo ay dowladda howlgelisay si ay deegaankaasi uga saaraan xoola dhaqatada hubeysan ee isticmaala beeraha sida gaarka ah loo leeyahay.
Bishii sagalaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay dowladdu howlgal amni ka billowday ismaamulka Laikipia oo ay ka dhaceen falal amni darro oo is xig-xigay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in toddobadii bilood ee ugu dambeeyay in ka badan 20 ka mid ahaa saraakiisha amniga lagu dilay Laikipia xilli ay ka falcelinayeen iskudhacyada u dhexeya xoolo dhaqatada iyo beeralayda.