Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa shaaciyay in la soo saaray amarka warqadda lagu soo xiraya Brian Mwenda Ntwiga.
Shakhsigan ayaa ku eedeysan inuu si been abuur ah u sheegtay qareennimo taasi oo uu ku shaqeysanayay.
LSK ayaa barteeda rasmiga ee X ku sheegtay in Brian uu shalay ku guul darreystay inuu ka soo hormuuqdo garsoore sare Lucas Onyina si dacwadda ka dhanka ah loo dhageysto.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay soo ifbaxday eedeynta loo jeedinaya Brian.
Kenyaanka ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay arrinkan.
Mas’uuliyiinta LSK ayaa ninkan ku eedeyay inuu adeegsanayay magaca qareen sax ah oo lagu magacaabo Brian Mwenda Ntwiga isagoo aan haysan shahaadada waxbarasho ee cilmiga sharciga.
Maalmo ka dib markii eedeynta loo jeediyay ayuu isku dhiibay booliiska .
Waxaa uu maxkamadda ka soo hormuuqday isagoo ku eedeysan ilaa 6 dacwadood oo ay ka mid yihiin inuu isbeddel ku sameeyay shahaado waxbarasho sidoo kalena uu xaday aqoonsiga garyaqaan kale balse wuxuu iska fogeeyay eedeymahaasi.
Kiiska uu wajahaya ayay maxkamaddu mar kale soo hadal qaadi doontaa 25-ka bishan Saddexaad.