Burcadda gobolka Rifty Valley ayaa la siiyay muddo hal bil ah si ay hubka ugu soo dhiibaan ciidamada Booliska.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Kipchumba Murkomen iyo taliyaha ciidamada Booliska qaranka Douglas Kanja ayaa amary in hadii hubkaasi ay soo dhiibi waayaan burcadda tallaabbo adag oo sharciga laga qaadi doono.
Ilaa iyo hadda 1000 hub ah ayaa dib loo soo celiyay iyadoo kumanaan kalena ay ku dambeeyaan gacanta burcadda kuwaas oo amar la dul dhigay.




