Waxaa Maanta si weyn loo adkeeyay Amniga guud ee Magaalada Berbera Xarunta Gobolka Togdheer, halkaasoo ay ka dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo kuxigeenkiisa.
Inta badan wadDooyinka iyo xaafadahA magalada Berbera ayaa waxaa Saaka lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo amanaka Sugaya mararka qaarna baaritaan ku sameeynaya Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Xubnaha cusub ee golaha Deegaanka Berbera ayaa dooran doona Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaana tartan adag uu dhex-mari doonaa Maxamad Dable, oo ah Ganacsade siyaasadda ku soo biiray iyo Cabdishakuur Ciddin, oo horey Guddoomiye uga ahaa magaalada Berbera.
Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliland & Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku sugan magalada Berbera si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Guddoomiyaha Magaalada Berbera iyo kuxigeenkiisa.