Warbaahinta Al Jazeera ayaa koox garyaqaanna ah u xilsaartay inay dacwad ku saabsan dilkii Shireen Abu Akleh u gudbiyaan maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Shireen oo ka mid ahayd wariyaasha Aljazeera ayay ciidamada Israa’iil 11-kii bishan ku toogteen meel u dhow xerada qaxootiga ee magaalada Jenin ee daanta galbeed, dalka Falastiin xilli ay ka warramaysay howlgallo halkaasi ka socda.
Warbaahinta Aljazeera ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay soo dhistay isbeheysi caalami oo ay ka mid yihiin qareeno iyo khuburro caalami ah si loo xaqiijiyo in qoyska ay ka baxday suxufiyadda ay cadaalad helaan.
Haweeneydan oo lagu tilmaami jiray codka Falastiiniyiinta ayaa waxaa dilkeeda si wayn uga falcelisay beesha caalamka.