Algeria oo u yeeratay safiirkeeda Morocco

0
344

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Algeria ayaa u yeertay safiirka dowladda wadankaasi ku matalo Morocco.
Waxay sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah oo ay kaga falcelinayso muranka la xiriira xuduudda saxaraha galbeed.
Tani ayaa timid ka dib hadal uu jeediyay wakiilka Morocco ee qaramada midoobay Cumar Hilal oo ku saabsanaa gobolka Kabylie ee Algeria.
Saxaraha galbeed ayaa waxaa sheegta labada wadan ee dariska ah ee Algeria iyo Morocco iyadoo dooddan ay taagnayd tobaneeyo sano.