Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadday xalay saldhig boolis oo ku yaalla degmada Kaxda iyo bar kontrool oo ku taalla xaafadda Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.
Dhowr qarax iyo rasaas ayaa laga maqlay qaybo badan oo ka mid ah caasimadda, wax yar ka dib saqdii dhexe ee xalay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Waxaa markii hore dhacay qaraxa Kaxda, oo lala beegsaday saldhigga booliska degmada, kadibna waxaa xigay rasaas culus, oo lagu qaaday isla saldhigga, sida ay goobjoogayaal sheegeen.
Wax yar ka dib, waxaa dhacay qarax labaad oo ka dhacay xaafadda Daaru-Salaam,waxaana la aaminsan yahay in bartilmaameedku ahaa guddoomiye ku-xigeenka degmada Heliwaa oo ku sugnaa xaafaddaas.
Wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Nuur ayaa sheegay in laga adkaaday kooxdii weerarka soo qaadday.
Ma jirta ilaa iyo hadda faahfaahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi.
Kooxdu waxay sheegtay in laba gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku weerareen saldhigga booliska ee Kaxda iyo xaafadda Dar Al Salaam.
Waxaa jira warar sheegaya inay jiraan weerarro kale oo ka dhacay Ceelasha Biyaha, Dayniile iyo Hodan oo lagu qaaday ciidamo gurmad ah oo lagu waday inay xoojiyaan kuwa Shababaka kula dagaalamayay Kaxda iyo Daru Salaam.