Al-Shabaab oo labo toddobaad ka dib siidaysay gaadiid xamuul u siday magaalada Baydhabo

0
297

Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay siidaayeen qaar ka mid ah gaadiidkii ku wajahnaa magaalada Baydhabo, kuwaas oo ay ku xannibeen deegaano ka tirsan gobolka Baay.
Wararka ayaa sheegaya in gaadiidkan la siidaayay, ka dib markii odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed ay wada hadal la galeen saraakiil Shabaab ah, si loo siidaayo gaadiidka.
Hase ahaatee, maamulka Koonfur Galbeed ayaa arrintaasi beeniyay, wuxuuna sheegay howlgalladii dhawaan laga fuliyay gobolka Baay in ay qayb ka tahay in gaadiidka ay si nabad ah uga soo gudbaan deegaanada lagu xannibay.
Kooxda Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaanka Mooda-Moode, oo ah goob la sheegay in kooxdan ay isbaaro u dhigtaan gaadiidka xamuulka ah ee ka yimaada magaalada Muqdisho, kuna sii jeeda magaalada Baydhabo.
In ka badan labo toddobaad oo ay gaadiid badan oo xamuul ah ku xannibnaayeen gobolka Baay, waxay sababtay in qiimaha maciishadaha nolasha ay kor u kacaan, arrintaasi oo saamayn ku yeelatay dadka deegaanka, kuwaas oo awal horeba la daala dhacayay saameynta abaaraha.
Go’doominta Al-Shabaab ayaa sare u qaadday qiimaha la kala siisto raashinka, shidaalka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah nolasha dadka ku nool magaalada Baydhabo.