Iyadoo shalay gelinkii hore labo qarax ay ka dhaceen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta tagaeerta Al-Shabaab waxay ku warrantay in qaraxyadaasi lala beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.
Warka lagu baahiyay qaar ka mid ah baraha intarneetka ee Al-Shabaab tagaeera ayaa lagu sheegay in qaraxa kowaad lala eegtay meel ay ku shirayeen ciidamo Itoobiyaan ah halka kan labaadna la sheegay in lagu bartilmaamedsaday ciidamo gurmad ahaan u tagay goobta wax ka dhaceen.
Ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijineysa sheegashada Al-Shabaab, hase yeeshee warbaahinta waxay ilaa iyo hadda fahamsan tahay in qaraxyada lala beegsaday xarun lagu tababarayay ciidamo Soomaali ah.
Ilaa 7 qof oo askar iyo shacab isugu jira ayaa weerarradaasi ku dhintay, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacantay.