Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa ay goob fagaare ah oo ku taalla degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen lix Nin oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen sirdoonka dowladda Mareykanka.
Al-Shabaab ayaa dadweyne farabadan isugu gaysay goobta uu xukunka dilka toogashada ahaa ka dhacayay, si ay u daawadaan dilka lagu fuliyay ragga Shabaabka ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka oo basaas u ahaayeen.
Ragga la toogtay ayaa waxaa ay Al-Shabaab ay magacyadooda ku kala sheegeen:
1:Xasan Maxamad Aadan oo loo yaqaanno (Mustaf), da’diisuna tahay 33 jir.
2: Cabdiqaadir Maxamad Sheekhey Cali oo loo yaqaanno (Buule), da’diisuna tahay 29 jir.
3: Cabdullaahi Cabdiraxmaan Ibraahim oo loo yaqaanno (Dalmar), da’diisuna tahay 27 jir.
4: Xasan Cali Xaaji Cabdiraxmaan, da’diisuna tahay 43 jir.
5: Cabdisalaan Ibraahim Maxamad oo loo yaqaanno (Shaalle), da’diisuna tahay 38 jir.
6: Cabidqaadir Xuseen Cabdi oo loo yaqaanno (Gobal), da’diisuna tahay 22 jir.
Si kastaba ha ahaate, Al-Shabaab ayaa marar kala duwan oo horay sidaan oo kale waxaa ay xukunno dilal toogasho ah ugu fulisay rag ay ku eedeeyeen inay u shaqeynayeen sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka.