Al-Shabaab oo digniin ka soo saartay go’aankii dowladda Soomaaliya ee warbaahinta

0
379

Al-Shabaab ayaa uga digtay warbaahinta madaxa bannaan iyo wariyeyaasha ka howlgala dalka Soomaaliya in ay u hoggaansamaan amarka dowladda ay ku mamnuucday in la isticmaalo dacaayadaha ku saabsan Al-Shabaab ee la soo dhigo.
Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtidii shaacisay liiska website-yada taabacsan kooxdaasi.
Waxaa ay u jeedisay shirkadaha Intarneetka bixiya inay hawada ka saaraan baraha Al-Shabaab.
Dowladda ayaa sidoo kale hawada ka saartay 40 akoonno baraha bulshada ah oo faafinayay dacaayadaha Al-Shabaab.
Waxaa ay dowladda sheegtay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo baahisa dacaayadaha iyo fikradaha Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale uga digtay shirkadaha bixiya Intarneetka inay hawada ka saaraan baraha taabacsan Al-Shabaab.