Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ee dalka Aisha Jumwa, ayaa xaqiijisay sida ay dowladda uga go’an tahay ciribtirka gudniinka gabdhaha nooca fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Waxaa ay sheegtay in dowladda ay hubinayso in sharciyada mamnuucaya gudniinka fircooniga ah si buuxda loo dhaqangeliyo si badqabka gabdhaha iyo haweenka loo ilaaliyo.
Wasiirradda ayaa laga soo xigtay, in sahankii caafimaad ee uu dambeeyay ee sanadkii hore, shaaca looga qaaday in 90 boqolkiiba dadka Kenyaanka ay ka warqabaan saameynta xun uu gudniinka fircooniga ku leeyahay gabdhaha.
Waxaa ay tilmaantay in dadka weli fal dhaqameedkan ku howlan ay dowladda wax ka qaban doonto.
Aisha Jumwa ayaa intaasi ku dartay in dowladda ay kordhinayso dhaqaalaha ay siiso guddiga ka hortagga gudniinka fircooniga ah, si ay u laba jibbaaraan dagaalka lagu ciribtiriyo dhaqankan.
Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ee dalka Aisha Jumwa ayaa dhanka kale ragga ka codsatay in ay isu soo baxaan oo ay taageeraan la dagaalanka gudniinka fircooniga ah.
Hadalkan ayay jeedisay xilli ay ka qayb galaysay munasabada maalinta ka hortagga gudniinka fircooniga oo meelaha laga xusay ay ka mid tahay ismaamulka Migori.
Warbixin ka soo baxday saraakiisha ammaanka ee dowlad deegaanka Migori ayaa tilmaamaysa in in ka badan 600 oo gabdhood laga badbaadiyay gudniinka fircooniga ah.
Booliiska ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay maxkamadda horgeeyaan 40 kiis oo la xiriira gudniinka fircooniga, kuwaas oo 10 ka mid ah la soo gabagabeeyay.
Gudniinka fircooniga ayaa ka mid ah dhaqamada aan laga oggolayn gudaha wadanka oo qofkii lagu cadeeyo lagula xisaabtamaya.
Sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii FGM laga mamnuucay gudaha dalkani Kenya.