Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ee dalka Aisha Jumwa Katana ayaa kulan la qaadatay qaar ka mid ah hoggaamiyaasha haweenka ah.
Shirka oo qabsoomay galinkii dambe ee shalay ayaa waxaa ka qayb galay wakiilka dumarka ee ismaamulka Kisii Dorice Donya, Catherine Omanyo(wakiilka dumarka ee Busia) iyo Gloria Orwoba oo aqalka sare ugu biirtay qaab magacaabid ah.
Mas’uuliyiinta ayaa diiradda saaray istaratiijiyooyinka lagu xoojin karo dagaalka ka dhanka ah tacaddiga jinsiga ku saleysan ee (GBV).
Waxay sidoo kale wasiiradda iyo wakiillada dumarka isla soo hadal qaadeen qaababka lagu xoojin karo sinnaanta jinsiyadeed iyo awoodsiinta haweenka.
1/2 Held a meeting with women leaders Hon. Dorice Donya, Women Representative Kisii County; Hon. Catherine Omanyo, Women Representative Busia County; and Hon. Gloria Orwoba, Nominated Senator who called on me this afternoon. pic.twitter.com/GAMDRrUb1K
— Hon. Aisha Jumwa Katana (@CSAishaJumwa) December 19, 2022
Cabinet Secretary @CSAishaJumwa this morning presided over the launch of the Unified Human Resource (UHR) Information System at @KSGKenya. More on this story 👇🏾https://t.co/togc9FIDKx pic.twitter.com/2AYyhm2tUv
— Ministry of Public Service and Gender (@PSYGKenya) December 19, 2022