Guddiga qaran ee adeegga booliska ayaa sheegay in agaasimihii hore ee waaxda dambi baarista wadanka ee DCI,George Kinoti oo maalmo ka hor is casilay in loo wareejiyay dhanka guddiga adeegga dadweynaha.
NPSC ayaa shaacisay inay ansixisay wareejinta Kinoti laga soo billaabo 27-kii bishii hore oo uu xafiiska baneeyay.
Qoraalka guddiga qaran ee adeegga booliska uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka waxaa ku cad in guddiga PSC uu xor u yahay go’aaminta jagada loo dhiibaya Kinoti.
Waxaa xilkii uu banneeyay hadda si ku meel gaar ah u sii haya Massa Hamisi Salim.




