Agaasimaha xeer ilaalinta oo ansixiyay eedeymo argagixisanimo oo ka dhan ah 37 qof

0
123

Xeer ilaalinta guud ee dalka ayaa ansixisay eedeymo argagixisanimo oo ka dhan ah 37 qof kuwaas oo ka soo hor muuqday maxkamadda sharciga ee Kahawa.
Eedeyntan ayaa daba socota xarigga tuhmanayaasha oo lagu xiray deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu iyo deegaanka Matuu ee maamulka Machakos.
Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray agaasimaha xeer ilaalinta Renson Ingonga dadka maxkamadda la soo taagay ayaa awaxaa ka mid ah 25 qof oo lagu eedeeyay inay fal argagixiso geysteen 25-kii June 2025, intii u dhaxaysay 12:00 duhurnimo iyo 11:00 fiidnimo gudaha Kikuyu.
Mr. Ingonga ayaa waxaa uu xusay in tuhmanayaasha ay sidoo kale wajahayaan dacwad gooni ah oo ku saabsan dab qabadsiin, iyaga oo lagu soo oogay dacwad kale oo ah burbur hantiyeed.
Waxaa maxkamad lala soo taagay labo qof oo kale oo lagu kala magacaabo Peter Kinyanjui Wanjiru, oo loo yaqaan Kawanjiru iyo Serah Wanjiku Thiga, kuwaas oo wajahaya eedeymo la mid ah.
Agaasimaha ayaa sidoo kale ansixiyay eedeymaha argagixisanimo ee ka dhanka ah 10 qof oo kale oo lagu xiray Matuu.
Waxaa lagu eedeeyay inay fal argagixiso ka geysteen 25-kii June 2025 Saldhigga Booliiska Matuu, taasoo keentay in lagu burburiyo hanti dowladeed oo ay ku jiraan gawaari booliis, iyo weerarro loo geystay askar ku jirtay shaqada.
Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda u xaqiijisay in eedeymahan loo cuskaday kadib markii ay fiirsadeen gal-dacwadeedka baarista, waxaayna si madax banaan u gaartay go’aan ay ku soo oogtay dhammaan 37-da tuhmane ee lagu eedeeyay in ay galeen falal argagixisanimo sida uu dhigayo qeybta sharciga ka hortagga argagixisada.
Waaxda Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka codsatay in eedaysanayaasha si sharci ah loo horgeeyo maxkamadda isla markaana si sax ah loo waafajiyo sharciga.
Kooxda xeer ilaalinta ayaa ku cel celisay inaysan jirin wax bartilmaameedsi ah oo lagu hayo eedeeysanayaasha islamarkaana eedeymaha lagu soo oogay aysan aheyn kuwa lagu beegsanayo dadka banaanbaxa dhigay balse ay yihiin shaqsiyaad la sheegay inay doorteen falal argagixisanimo iyo burburin hanti.
Tani ayaa waxaa ay daba socotaa codsi ay tuhmanayaasha u gudbiyeen qareenkooda oo ka dalbanayay maxkamadda inay ka mamnuucdo xeer ilaalinta inay ku soo oogaan eedeymo argagixiso.
Gideon Kiaga ayaa amray in tuhmanayaasha xabsiga lagu sii hayo ilaa 10-ka Luulyo ee sanadkan markaasoo maxkamadda ay go’aan ka gaari doonto codsiga tuhmanayaasha.