Agaasimaha shirkadda shidaalka ee Rubis oo dalka laga eryay

0
414

Dowladda dhexe ayaa soo saartay amar ay dalka uga eryayso agaasimaha guud ahna madaxa fulinta ee shirkadda shidaalka ee Rubis laanteeda Kenya , Jean-Christian Bergeron.
Mas’uulkan ayaa lagu eedeyay inuu carqaladeeyay dhaqaalaha wadanka oo uu qayb ka qaatay gaabadka dhanka shidaalka ee wadanka ka jiro.
Tani ayaa timid ka dib markii wasiirka wasaaradda tamarta Monica Juma ay kulan la qaadatay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxay Monica soo jeedisay in xayiraado dheeraad ah lagu soo rogo shirkado ay Rubis ka mid tahay oo ku eedeysay inay shidaalka u iibgeeyaan suuqyada gobolka iyadoo ay culeysyo dareemayaan gaadiidleyda Kenya.
Tallaabada ay dowladdu qaatay ayaa timid hal maalin un ka dib markii maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee (EPRA) uu sheegay in shidaal loogu talagalay in lagu iibiyo Kenya loo suuqgeeyo dalal kale.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa afar ka mid ah shirkadaha ka ganacsado shidaalka ay wajahayaan tallaabooyin sharciyeed oo ka dhan ah.
Maamulka EPRA ayaa la filayaa inuu maanta soo saaro warbixintiisa billaha ah iyadoo kenyaan badan ay rajeynayaan inuu xal kama dambeys ah u helo gaabadka shidaalka ee jiro.