Waxaa maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi qaybteeda qaabilsan dhageysiga dacwadaha musuqmaasuqa la soo taagay agaasimaha guud ee maamulka qaran ee tababarrada warshadaha ee (NITA), Stephen Ogenga iyo ilaa labo qof oo kale.
Shakhsiyaadkan ayaa ku eedeysan fadeexad musuqmaasuq.
Saraakiisha waaxda dacwad oogidda ayaa maxkamadda u sheegay in intii u dhexeysay 31-dii bishii Koowaad ee sanadkii 2019-kii ilaa 29-kii bishii Saddexaad ee sanadkaasi uu Ogenga ka faa’iiday 4.8 milyan oo shilin oo si aan habboonayn loo siiyay shirkadda Xponics Limited.
Tani ayaa timid ka dib markii shirkaddan la siiyay qandaraas la xiriiray soo iibinta , hirgelinta iyo dayactirka mashiinnada tababarka lagu bixiyo.
Shakhsiyaadka kale ee maxkamadda ka soo hormuuqday ayaa kala ah James Waweru iyo Sheila Wambui Nyakinyua oo matalaya shirkadda Xponics Limited.
Labadan qof ayaa lagu soo oogay in qandaraaskaasi ay si aan cadaalad ahayn uga macaasheen 10.1 milyan oo shilin iyagoo khiyaano sameeyay.
Tuhmanayaasha ayaa ka soo hormuuqday garsoore Zipporah Gichana waxayna dhammaantood iska fogeeyeen eedeymaha loo haysto.
Maxkamadda ayaa ku siidaysay min damaanad ah 3 milyan , wax qiimo ahaan u dhigma ama damaanad lacageed oo gaaraysa hal milyan oo shilin.
Garyaqaanka sare ee matalayay waaxda dacwad oogidda ,Wesley Nyamache ayaa codsaday in maxkamadda ay tuhmanayaasha ku amarto in ay gudbiyaan baasaboorradooda sidoo kalena aynan faragelin marqaatida kiiska taasi oo laga aqbalay.
Sidoo kale, agaasimihii guud ee hore ee maamulka qaran ee NITA Paul Kipsang Kosgei oo maanta maqnaa ayaa lagu amray inuu maxkamadda hor yimaado 5-ta bishan Lixaad oo ku beegan Arbacada.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dacwaddan mar kale la dhageysto 19-ka bishan June.