Agaasimaha KPLC oo faahfaahin waayay sababta ay shirkaddu u diiwaangelisay khasaare

0
279

Agaasimaha guud ee shirkadda korontada dalka ee KPLC ,Geoffrey Muli ayaa maanta laga dalbaday inuu keeno faahfaahin dhameystiran oo ku aaddan sababta ay shirkaddu khasaare u diiwaangelisay in kastoo qiimaha adeegga korontada uu kordhay.
Muli ayaa ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka u qaabilsan maalgashiga dhanka tamarta.
Xildhibaannada ayaa agaasimaha guud ee KPLC ku dhaliilay in uunan la wadaagin warbixin dhameystiran.
Warbixinta hanti dhowaraha qaranka ayaa muujinaysa in tan iyo sanadkii 2014-kii, shirkadda korontada wadanka ay lumisay 74 bilyan oo shilin.
Guddoomiyaha guddiga ,David Pkosing ayaa su’aal geliyay sababta uunan u kobcin dakhliga shirkadda iyadoo kenyaanka ay lacago dheeraad ah bixinayaan.
Muli ayaa isku dayey inuu difaaco waxqabadka KPLC isagoo xusay in tan iyo sanadkii 2019 ay soo hagaagaysay awoodda dhaqaale ee shirkadda.
Waxaa uu intaasi ku daray inay warqad u qoreen wasaaradda maaliyadda iyagoo dalbanaya in lagu soo wareejiyo lacag ka maqan oo gaaraysa 19 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate Muli iyo mas’uuliyiinta kale ee shirkadda korontada ee dalka ayaa loo qabtay muddo labo toddobaad ah oo ay si faahfaahsan uga soo jawaabayaan su’aallaha ku xusan warbixinta hanti dhowraha guud ee dalka.