Agaasimaha guud ee maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhinaca waddooyinka (NTSA) George Njao ayaa loo diray fasax qasab oo 30 cishe ah.
Waxaa go’aankan qaatay guddiga maamulo NTSA.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kordheen shilalka waddooyinka ee ka dhacay qaybaha wadanka.
Guddoomiyaha guddiga maareeya NTSA Cali Nuur Aadan ayaa shaaciyay tallaabooyin kala duwan oo lagu xaqiijinaya badqabka shacabka.
Waxaa uu sidoo kale xilka agaasimaha guud ee NTSA si ku meel gaar ah ugu magacaabay Cosmas Ngeso.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay inay waddada u xaarto in la sameeyo baaritaano qoto dheer ka dib markii ay kenyaanka walaac xooggan ka muujiyeen shilalka iyagoo maamulka NTSA ku dhaliilay waxqabad xumo.




