Agaasimaha guud ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da , Aamiin Maxamad ayaa soo dhisay guddi gaar ah oo qaabilsan inuu baaritaano ku sameeyo dilalka loo gaysta haweenka ee kordhay.
DCI ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kooxdan ay ka kooban tahay baarayaal takhasus gaar ah leh waxaana laga doonaya inay la yimaadaan siyaabo ka hor tag u noqon karo sidoo kalena lagula tacaalaya falal dambiyeedyada ka dhanka ah dumarka.
Aamiin Maxamad ayaa sheegay in xubnaha guddigan lagu amray inay dardargeliyaan baaritaannada la xiriira dembiyada dhanka galmada iyo dhacdooyinka dilalka ee haweenka lagu bartilmaameedsado si dhibaatooyinkan looga soo afjaro gudaha wadanka.
Waxaa uu shacabka ku boorriyay inay soo gudbiyaan macluumaadka gacan ka gaysan karo baaritaannada si shakhsiyaadka falalkan ku lugta leh loo xiro.
Waxaa uu wacad ku maray inuu soo afjari doono falal dambiyeedyadan oo uu ku tilmaamay kuwo wuxushnimo ah.
Laanta dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in intii u dhexeysa sanadkii 2021-kii ilaa sanadkan 2024-ta loo soo gudbiyay kiisas gaaraya 94 oo lagu dilay haween iyo gabdho yaryar.
Waxaa la xiray oo maxkamado kala duwan falalkan loo soo taagay 65 eedeysanayaal ah guud ahaan wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay dhawaan dadweynaha walaac ka muujiyeen dilalka loo gaysanaya haweenka iyadoo ay Sabtidii dibadbaxyo ka dhaceen bartamaha Nairobi.




