Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Mulele Ingonga ayaa kulan la yeeshay kooxo ka socday Midowga Yurub iyo xafiiska qaramada midoobay ee la dagaallanka maandooriyaha iyo dembiyada ee (UNODC).
Waxaa kulanka diiradda lagu saaray dhinacyada ay ka wada shaqeyn karaan ODPP , EU-da iyo UNODC si gaar ah qorsho-howleedka barnaamijka awoodsiinta sharciyeed iyo bixinta gargaarka ee Kenya ee (PLEAD II) ee sanadkan.
Agaasime Renson Mulele ayaa bogaadiyay iskaashiga ku saabsan barnaamijkan ee ka dhexeya dhinacyada kala duwan iyo tallaabooyinka la dhaqan gelinaya.
Kooxda ka socotay Midowga Yurub waxaa ka mid ahaa maareeyaha barnaamijka doorashooyinka , xuquuqul aadanaha iyo cadaaladda Ms. Line Urban iyo mas’uulka howlaha siyaasadda ee EU-da Paul Avril.
Guddiga xafiiska qaramada midoobay ee UNODC waxaa hor kacaysay Ms. Charity Kagwe oo ah madaxa la dagaallanka musuqmaasuqa, ka hor tagga dembiyada iyo Joy Matara oo ah sarkaal ka tirsan qaybtan.