Agaasimaha dacwad oogidda oo ka hadlay kiisaska laga saaro maxkamadaha

0
336

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Ingonga ayaa difaacay tallaabada xilli hore meesha looga saaro kiisaska culus ee maxkamadaha loo gudbiyay.
Ingonga ayaa sheegay in tani looga gol-leeyahay in aan lagu lumin qarashaad badan.
Agaasimihii hore ee waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa horay loogu dhaliilay inuu maxkamadaha ka saaray kiisas ay wajahayeen wasiiradda jinsiyadda Aisha Jumwa iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua.
Hasa ahaate mas’uulka xilka kala wareegay ayaa sheegay in waaxda dacwad oogidda ee dalka ay xaq u leedahay inay kiisaska noocani ah soo afjarto haddii ay soo baxdo in qofkaasi si qalad ah dacwad loogu soo oogay ama aan la hayn caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah.