Agaasimaha dacwad oogidda oo difaacay dacwado argagixisannimo

0
185

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Ingonga ayaa difaacay go’aanka uu xafiiskiisa kiisas argagixisannimo ugu soo oogay shakhsiyaad loo xiray dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee dhacay.
Waxaa uu sheegay in dacwadaha aynan ahayn kuwo ku yimid cadaadis siyaasadeed.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladda lagu dhaliilay in ay dibadbaxayaal ku eedeysay in ay gaysteen falal argagixisannimo si ay u caburiso dadka mucaaradka ku ah.
Hasa ahaate, agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka ayaa maanta sheegay in xafiiskiisa uu yahay mid madax bannaan.
Waxaa uu ku celceliyay in dacwadaha ay ku saleysan yihiin burburin meelaha lagu bartilmaameedsaday ay ka mid yihiin xarumaha dowladda taasina uu dastuurka dalka u aqoonsan yahay argagixisannimo.