Agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji ayaa taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome amar ku siiyay inuu billaabo baaritaano ku aaddan xadgudubyo galmo oo laga soo sheegay ismaamulka Kericho.
Dhawaan ayay ahayd markii warbaahinta BBC-da ay sameysay barnaamij dabagal ah oo ay shaaca uga qaaday in haweenka ka shaqeeya beeraha caleenta shaaha ee dowlad deegaankaasi lagula kaco tacaddi galmo.
Waxaa warbixinta lagu soo bandhigay haween dhowr ah oo ay dhibaatooyinkan u gaysteen maamulayaasha iyo kormeerayaasha shirkadaha caleenta shaaha ee Kericho.
Nuurdiin Xaaji ayaa dalbaday in Koome uu gal dacwadeedka arrinkan ku aaddan ugu soo wareejiyo toddobo cisho gudahooda.