Afhayeenka madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House, Kanze Dena ayaa sheegtay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu hoggaanka wareejin doono iyadoo ay u qabsoomeen qorshayaal badan.
Kanze ayaa tilmaantay in maamulka Jubilee u uku guulaystay qorshihii ahaa in ardayda dhameeyay dugsiga hoose dhexe ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare.
Sidoo kale waxay sheegtay in dowladdu ay u suurtagashay hirgelinta manhajka waxbarasho ee xoogga saaraya in ardayda xilli hore laga soo dhiso dhanka xirfadaha ee CBC.
Kanze Dena ayaa carrabka ku adkeysay in heshiiskii taariikhiga ahaa ee sanadkii 2018-kii dhex maray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu xasilooni buuxda u horseeday wadanka taasoo dowladda fursad u siisay inay waajibaadkeeda gudato.
Waxay sidoo kale sheegtay in madaxweynaha dalka uu diiradda saaray arrimaha dhulalka ee gobolka xeebta iyo si guud wadanka iyadoo ilaa iyo hadda la bixiyay in ka badan 500,000 oo sabar loogooyin ah.
Kanze Dena waxay intaasi ku dartay in gobolka xeebta ay ka socoto dhaqangelinta mashaariic la xiriirta dekadda Lamu iyo dib u soo noleynta goobaha kallumeysiga ee Liwatoni iyo Shimoni.
Home Wararka Kenya Afhayeenka madaxtooyada Kenya: Madaxweynaha waxa uu hoggaanka wareejin doono iyadoo ay u...




