Afhayeenka golaha deegaanka ee Nairobi ayaa beeniyay wararka sheegaya in mooshin xil ka qaadis ah oo lagula kacayo Guddoomiyaha dowlad deegaanka Johnson Sakaja la gudbiyay si looga fiirsado.
Ken Ng’ondi ayaa meesha ka saaray eedaha lagu baahiyay warbaahinta oo tilmaamaya in mooshin xil ka qaadis ah la soo gudbiyay, isagoo sheegay in ujeedadu tahay in lagu kiciyo muran siyaasadeed oo lagu burburinayo maamulka Sakaja.
Wararkaasi ayaa soo jeedinayay in mooshinka la tuhunsan yahay uu ka dambeeyay heshiis iskaashi oo dhawaan ay kala saxiixdeen dowladda dhexe iyo ismaamulka Nairobi, kaasoo u oggolaanaya dowladda dhexe inay gacanta ku hayso qaar ka mid ah howlaha dowladda Sakaja.
Waxaa uu xoojiyay in sheegashooyinka noocaas ah ay ka dhalanayaan sheekooyin siyaasadeed oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo maamulka barasaabka.
Home Wararka Kenya Afhayeenka golaha deegaanka Nairobi oo beeniyay inuu helay mooshin xil ka qaadis...




