Afhayeenka dowladda, Isaac Mwaura, ayaa ka digay kicinta dadweynaha, isagoo sheegay in dowladda aysan ogolaan doonin in dalka uu galo fowdo iyadoo loo marayo macluumaadka ay adeegsadaan dad yar oo dano gaar ah wata.
Isagoo ka hadlayay fiidnimadii xalay magaalada Nairobi, Mwaura ayaa beeniyay sheegashadii ay dhawaan sheegtay Diana Gichengo oo ah Isuduwaha Qaran ee Machadka Xisaabtanka Bulshada (TISA), ee ahaa in xafiiska Mwaura uu helo 36 bilyan.
Mwaura ayaa sheegay in miisaaniyada xafiiskiisa aysan xitaa 100 milyan isaga oo intaa ku daray in dowladda ay ka baaraan degi doonto kuwa sumcadda xun ee dowladda ku faafinaaya baraha bulshada.
Mr. Mwaura ayaa ka codsaday dadka Kenyaanka ah in ay soo gudbiyaan aragtidooda ku aaddan hindise sharciyeedka maaliyadda ee 2025-ka iyaga oo u maraya dariiqyada saxda ah, isaga oo sheegay in dowladda aysan ogolaan doonin inay dalka ka dhacaan falalkii bishii June ee sanadkii hore.