Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa la filayaa in muddo labo toddoabad gudahood ku soo magacaabo afhayeenka dowladda dhexe.
Waxaa arrinkan maanta shaaca ka qaaday wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta, tiknolojiyadda iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalka Eliud Owalo.
Wasiirka ayaa xaqiijiyay in guddiga PSC uu soo gabagabeynayo hannaanka qorista ee afhayeenka cusub ee dowladda dhexe.
Bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddiga adeegga dadweynaha ee PSC uu shaaciyay inuu bannaan yahay xilka afhayeenka dowladda dhexe sidaas awgeedna cidii daneynaysa ay haysato fursad ay codsi ku dirsan karto.
Xilka afhayeenka dowladda dhexe ayaa waxaa horay u hayay Cyrus Oguna oo haatan ah madaxa shaqaalaha ee dowlad deegaanka Siaya.
Waajibaadka afhayeenka dowladda dhexe, waxaa ka mid ah inuu dadweynaha u gudbiyo siyaasadaha iyo hindisiyaasha horumarineed ee dowladda iyada oo loo marayo habab warbaahineed.