Afgaanistaan oo diiday in Mareykanka uu dib ugu laabto xerada ciidamada cirka ee Bagram

0
628

Afgaanistaan ayaa diiday baaq ka soo yeeray madaxweyne Donald Trump oo ahaa in militariga Mareykanka ay dib ugu soo laabtaan dalka ayna dib u soo ceshadaan xerada ciidamada cirka ee Bagram.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Afgaanistaan ayaa maanta oo Jimco ah ku shaaciyay baraha bulshada in Xukuumadda Kabul ay diyaar u tahay in ay wax la qabato Mareykanka, balse waxaa uu ku adkaystay in aan loo ogolaan doonin in ciidamada Maraykanka ay dib ugu soo laabtaan dalkan ku yaalo bartamaha Aasiya.
Trump ayaa Khamiistii sheegay in maamulkiisa uu ku cadaadinayo inuu “ku soo laabto” saldhigga Bagram. Madaxweynaha Mareykanka, oo muddo dheer rajo ka muujiyay dib u soo celinta xarunta, ayaa xusay in mowqifkeeda uu yahay mid istiraatiiji ah oo muhiim ah isagoo u sababay u dhowdanshiyaheeda Shiinaha.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Taliban ayaa diiday fikradda Trump.