Afgaanistaan oo ballanqaadday jawaab ku habboon ka dib duqeymo Pakistan oo dilay 17 qof

0
109

Ciidamada Pakistan ayaa waaberigii hore ee saaka fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhacay gudaha Afgaanistaan, iyagoo bartilmaameedsaday waxa ay ku tilmaameen xerooyin iyo goobo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxo hubeysan oo ka dambeeyay weerarro dhowaan dhacay, oo ay ku jirto qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay masaajid Shiico ah oo ku yaalla magaalada Islamabad.
Wasaaradda Warfaafinta Pakistan ayaa sheegtay in howlgallada ay ahaayeen kuwo xog sirdoon ku saleysan oo si gaar ah loo beegsaday toddobo xero iyo saldhigyo ay leeyihiin Taalibaanta Pakistan, oo loo yaqaan Tehrik-e-Taliban Pakistan, iyo kooxo xiriir la leh. Sidoo kale waxaa la sheegay in la beegsaday koox xiriir la leh ururka Daacish oo ka howlgala aagga xadka.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in ay hayso caddeymo muujinaya in weerarradii ka dhacay Islamabad iyo degmooyinka Bajaur iyo Bannu ay fuliyeen dagaalyahanno amar ka helay hoggaan ku sugan Afgaanistaan.
Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Afgaanistaan ayaa cambaareysay duqeymaha, iyadoo sheegtay in lagu garaacay dugsi diimeed iyo guryo rayid ah oo ku yaalla gobollada xuduudda ee Nangarhar iyo Paktika, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Afgaanistaan ayaa ku tilmaantay weerarrada jebin xeerarka caalamiga ah iyo mabda’a deris wanaagga, waxaa ayna ballanqaadday inay bixin doonto jawaab ku habboon.