Waxaa maanta damiin lacageed oo dhan 300,000 oo shilin midkiiba lagu siidaayay afar sarkaal oo booslis ah oo u fadhigoodu yahay xarunta waaxda dambi baarista dalka qaybteeda deegaanka Lang’ata ee magaalada Nairobi.
Saraakiishan ayaa lagu eedeeyay in ay afduubteen nin islamarkaana ay si xoog ah lacag uga qaateen.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Anthony Muvaka Mwanza, Cornelius Stephene Wambua, Tom Omomdi Otieno iyo Kennedy Omondi Odero.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inay gaysteen rabshad, markii ay maanta ka soo hormuuqdeen maxkamad ku taalla caasimadda dalka ee Nairobi.
Afarta sarkaal ayaa lagu eedeeyay in 6-dii bishan ee shakhsi lagu magacaabo Vincent Ochieng Odembo ay ka dhaceen 40,000 oo shilinka dalka ah iyo lacag dhan 2,400 oo doolar oo u dhiganta 272,760 oo shilin.
Waxaa ay dhacaan ka gaysteen suuqa Nextgen oo ku yaalla waddada Mombasa ee deegaanka Lang’ata ee ismaamulka Nairobi.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da, ayaa laga soo xigtay in sarkaalkii hoggaaminyay ciidamada dhaca gaystay oo lagu magacaabo Tom Otieno, uu dhibbanaha teleefoonkiisa ka shubtay lacag dhan 40 kun oo shilin isagoo ku wareejiyay akoonkiisa M-Pesa-da.
Sidoo kale saraakiisha eedeysanayaasha ah ayaa ka dib aaday guriga dhibbanaha oo ay halkaasi ka qaateen lacag dhan 2,400 oo doolar oo u dhiganta 272,760 oo shilin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhibbanaha uu maalintii xigtay aaday saldhigga booliska ee Akira ee xaafadda South C si uu halkaasi warbixin ku aadan dhaca loo gaystay ugu gudbiyo.
Hasa ahaate waxa uu halkaasi kula kulmay gaarigii ay adeegsanayeen saraakiisha dhaca u gaystay.
Dabadeed waxa uu u gudbay qaybta dambiyada culus ee xarunta dhexe waaxda dambi barista ee DCI-da.
Saraarkiisha dambi baarista dalka ayaa isla markiiba billaabay baaritaanno arrinkan ku aadan, waxayna ogaadeen in gaariga ay wateen saraakiisha laga leeyahay xarunta DCI-da ee deegaanka Lang’ata ee magaalada Nairobi, iyadoona gacanta lagu soo dhigay afarti sarkaal ee dhaca gaystay ka dib markii dhibbanaha uu aqoonsaday.
Kiiskan ayaa markale la dhageysan doona 3-da bisha saddexaad ee sanadkan.
DCI-da ayaa sidoo kale sheegtay in saraakiishii lagu helo dambiyada noocan, xilliga ay kuguda jiraan wajibaadkooda shaqo ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo.




