Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo loo xiray ka ganacsiga hub sharci darro ah

0
426

Dambi baarayaasha qeybta kaalmeynta howlgallada ayaa gacanta ku dhigay afar sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen ka ganacsiga hubka iyo rasaasta sharci darrada ah ee lala xiriirinayo falalka amni darro ee ka jira qeybo kala duwan oo dalka ah.
Afarta sarkaal,ayaa kala ahaa Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Xabsiyada Ekidor Lotira Charles (oo fadhigiisu yahay Turkana), Isaac Kipngetich oo ka hawlgalayay Xarunta Booliska ee Degmada Turkana), Taliyaha Booliska Ileli Cyrus Kisamwa oo sido kale kormeero ka ahaa Bakhaarka Dhexe ee Hubka ee Aagga Warshadaha), iyo Samson Muriithi Mutongu ayaa sidoo kale baaritaan lagu sameeyay.
Sida laga soo xigtay ciidamada dambi baarista ee dalka DCI-da, xariga askartaas ayaa daba socday maalmo ay kooxda OSU daba-gal iyo baaritaano faahfaahsan ku hayeen.
Eedeysanayaasha ayaa maxkamada lasoo taagi doona Isniinta, oo ku beegan 29-ka bishan Sebtember sanadkan 2025.