Afar qof oo qarax lagu dilay bariga degmada Bura ee ismaamulka Garissa

0
387

Afar qof oo ay ku jiraan injineero ka tirsan maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KeNHA) ayaa ku dhintay qarax la sheegay in Al-Shabaab ay ka gaysteen degmada Bura ee ismaamulka Garissa
Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jireen saraakiil qiimayn joogta ah ku samaynayay waddooyinka mashruuca horumarinta ee loo yaqaano LAPSSET oo ah midka ugu wayn bariga Afrika, kaasoo isku xiraya waddamada Kenya, Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.
Booliiska ayaa laga soo xigtay, in gaariga weerarka lala eegtay uu noociisu ahaa Toyota Hilux Double Cabin, ayaa dulmaray qarax ay dhulka ugu aaseen koox looga shakisan yahay Al-Shabaab.
Waxaa uu booliiska intaasi ku daray in goobta uu qaraxa ka dhacay laga helay meydka saddex qof halka midka afaraad uu jirkiisa go-go’ay.
Waxaa maalmihii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab qaybo ka mid ah dalka ka gaysteen weerarro ay dad ku dhinteen .
31-dii bishii hore ayay ahayd markii askari ka tirsan ciidanka difaaca wadanka ee KDF-ta la dilay, halka 4 kalena lagu dhaawacay weerar looga shakisan yahay in Al-Shabaab ka gaysteen ismaamulka Lamu.