Afar qof oo maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah Kahiga

0
657

Waxaa maxkamadda loo gudbiyay kiis lagu doonaya inuu xafiiska banneeyo barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga.
Afar qof oo dacwadda geeyay maxkamadda ayaa hoosta ka xarriiqay in Mutahi uunan u qalmin inuu sii hayo xafiis dadweyne.
Waxay sheegeen in hadal uu maalmo ka hor jeediyay ka dib geeridii ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga uu abuuray kala qaybsanaan.
In kastoo uu barasaabka hadalkaasi raalligelin ka bixiyey sidoo kalena uu iska casilay xilkii guddoomiye ku xigeenka golaha barasaabyada waddanka ee CoG haddana taasi ayaa hadal hayn ballaaran iyo dhalleeceyn siyaasadeed ka abuurtay gudaha dalka.