Waaxda biyaha ee ismaamulka Migori oo kaashanaysa booliiska ayaa xabsiga u taxaabay afar qof oo lagu eedeyay inay burburiyeen tuubooyinka biyaha qaybiya.
Qalabka ay waxyeellada u gaysteen ayaa qiimihiisu lagu sheegay ilaa 2.3 milyan oo shilin.
Madaxa waaxda biyaha iyo tamarta ee dowlad deegaanka Migori Fidel Majiwa ayaa sheegay in afarta eedaysane la soo qabtay ayna kiiskooda la wareegeen booliiska.
Waxaa uu sheegay in shakhsiyaadkan maxkamad la soo taagi doono.
Mr. Majiwa ayaa xusay in tuhmanayaasha lagu soo eedeyay inay burburiyeen dhuumaha biyaha ee isku xira deegaanada hoose ee Kawa iyo Ngege ee deegaan baarlamaaneedka bariga Suna ee ismaamulka Migori.
Waxaa uu xusay in burburka loo gaystay dhuumaha biyaha ay keentay dhibaato dhanka biyaha ee deegaanka.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray inay doonayaan in eedeysanayaasha laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan si ay cashar ugu noqdaan shakhsiyaadka kale ee falalka noocani ah ku kaca.
Waxaa uu ka codsaday bulshada qaybaheeda kala duwan in ay si dhow ula shaqeeyaan booliiska si loo ilaaliyo mashaariicda biyaha ee ay wadaan dowladda iyo hay’adaha aan dowliga ahayn.
Dhanka kale, Majiwa ayaa sheegay inay socdaan howlgallada lagu beegsanayo shakhsiyaadka sida sharci darrada ah biyaha dadka ugu xiro.