Lix qof oo lagu dilay xaafadda Kunaso ee magaalada Garissa

0
1399

Barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jamaac oo qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga uu arrin laga murugooda ku tilmaamay dhacdo afar qof oo maanta lagu dilay duleedka xaafadda Kunaso ee ka tirsan deegaanka hoose ee Waaberi ee magaalada Garissa, inkastoo dadka deegaanka ay sheegeen in laga takhalusay 6 qof.
Waxaa la sheegay in labo ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen Takaasiiley ku sii jeeday degmada Xuluuqo iyo arday.
Guddoomiyaha ismaamulka Garissa oo falkan ku tilmaamay mid foolxun oo fulaynima ah, ayaa sheegay in lagu bartilmaameedsaday laguna dilay dadka aan waxba galabsan.
Dhacdadan ayuu tilmaamay mid aan la aqbali karin, islamarkaana aan loo dulqaadan karin.
Waxaa uu sheegay in 19-ka bishan ee ku beegan maalin Sabti ah la qaban doono shir degdeg oo dhacdadan looga hadli doona.
Shirkan ayuu barasaabka Garissa sheegay inay ka soo qayb geli doonaan guddoomiyayaasha dowladda dhexe ku matala deegaannada ismaamulkaasi, saraakiisa ammaanka, waxgaradka dowlad deegaankaasi iyo culimada.