Afar qof oo lagu dilay weerar ka dhcay Mareykanka

0
234

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay 28 kalana waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday xaflad dhalasho oo loogu magac daray “Sweet 16” ee dalka Maraykanka, sida ay sheegeen booliska iyo warbaahinta.
Weerarka oo ka dhacay magaalada yar ee Dadeville ee ku taal gobolka Alabama ee koonfurta dalka Mareykanka ayaa dhacay xilli dambe oo habeennimadii Sabtida, sida ay masuuliyiintu sheegeen.