Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday kaniisad ku taal gobolka Michigan ee dalka Maraykanka, sida ay booliisku sheegeen.
Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Thomas Jacob Sanford oo 40 jir ah kana soo jeeda magaalada Burton, ayaa sidoo kale dhintay ka dib markii ay toogteen askar ka tirsan booliiska oo ka falceliyay weerarka.
Booliska Mareykanka ayaa dhacdadan baaritaan ku haya.