Afar qof oo ka ganacsanayay maandooriyaha oo lagu xiray ismaamulka Kiambu

0
242

Booliska ismaamulka Kiambu ayaa gacanta ku dhigay afar qof oo ka ganacsanayay maandooriyaha sharci darrada ah degmada Matangi ee hoos taga deegaanka Juja.
Saraakiishan oo ka duulaya xog ay ka heleen xubnaha dadweynaha , ayaa hawlgal ay sameeyeen ku soo qabtay waxyaabo badan oo sharci darro ah.
Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 2,085 oo xashiish ah (8) kiilogaraam oo xashiishad ah oo aan la farsameyn, 30 litir oo khamriga chang’aa ah, 20 litir oo maandooriyaha nooca muratina ah iyo 9,580 Sh.Sh oo la rumaysan yahay in ay ka heleen ka ganacsiga maandooriyahaas.
Eedeysanayaasha ayaa hadda ku jira gacanta booliska, waxaana la soo taagi doonaa maxkamad maalinta Isniinta, oo ku beegan 8 bishan Sebtember sanadkan 2025-ka.
Booliska Qaranku waxa ay bogaadiyeen wada shaqaynta xubnaha dadweynaha waxana ay ku boorinayaan in si joogto ah ay u feejignaadaan.