Saraakiisha amniga ee ismaamulka Machakos ayaa dilay afar qof oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen falal dhac ah oo laga gaystay gudaha dowlad deegaankaasi iyo ismaamullada kale ee Mombasa iyo Kwale.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xaqiijisay in afarta qof la toogtay ka dib markii iyaga iyo booliiska ay rasaas iswaydaarsadeen.
DCI ayaa intaasi ku dartay in saraakiisha ammaanka ay dadkan ku amreen inay is dhiibaan balse ay taasi ka dhaga fureysteen iyagoo rasaas ku furay ciidamada.
4 GANGSTERS SHOT DEAD IN HAIL OF GUNFIRE AS DETECTIVES RECOVER STOLEN POLICE RIFLE
Four thugs responsible for a string of armed robberies in Machakos, Mombasa and Kwale Counties over the past few months, were shot dead last night in a fierce exchange of fire with detectives.… pic.twitter.com/sDtrMt4nXx
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) June 13, 2023