Afar qof oo dilal ka gaystay Nakuru oo gacanta lagu dhigay

0
330

Afar tuhmane oo lala xiriirinayo dilka afar ka mid ah waratada M-Pesa iyo nin booliis ah ayaa lagu xiray magaalada Nakuru.
Qori AK-47 ah iyo 3 xabo oo rasaas ah ayaa sidoo kale laga soo furtay, iyadoo boolisku ay sii xoojiyeen ugaarsiga burcad kale oo la tuhunsan yahay.
Guddoomiyaha ammaanka u qaabilsan ee ismaamulka Nakuru Loyford Kibaara ayaa sheegay in dadka la xiray ay ku jirto haweeney 43 jir ah iyo saddex nin oo da’doodu u dhaxeyso 29 ilaa 35 jir.
Waraka ka imaanaya magaalada Nakuru ayaa sheegaya in afarta ruux laga soo qabtay goob ay ku dhuumaaleysanayeen oo ku taal Umoja lodge ee bartamaha magaalada Nakuru.
Booliska ayaa magacyadooda ku sheegay William Nyairi Rioba oo 29 jir ah, Nyari Nyamwara Maluke oo Tanzania u dhashay oo 35 jir ah, Emmanuel Mwita oo Kenyan ah iyo Catherine Nkantha Zakayo OO U dhalatay Kenya taasi oo 43 sano jir ah.